Waa salow kalgacalkuye
Anna ma ila sara tagayee
Waa sahashanaayaye
Ma idhigay sinsirada
Ma Zamaano badan baa
Sadaal ku noolaa

Ma ilaa salaadaan
Soo jeed ku gaaraa?

Allahayo Naf sareeya
Maxaa qoorta iii surayee ?

Sinta iyo hadaan dhabar
Seeduhu oo isugulow
Socod lama awoodee
Jacaylkaan nawada simin
Ragga kaan ka saayadey
Sahwi iyo dhibaatada

Maxay isaaray Kaligeey
Meel sabaad dhaxoodii

Allahayo Naf sareeya
Maxaa qoorta iii surayee ?

 

Exit mobile version