Heesta Shan wada dhashay - Lyrics
Shan baa jira wada dhashoo
Jeex iyo karin wada dagoo
Jadiinka la quutiyo
Maryaha kala jeexan jiray
Waxaa kala jiiday nacab
Jihaba qaar buu ku daray
Hadeynaan wada jireyn
Jabuutiyo Gaarisa Jigjiga loo dhameyn
Anigu Jees baa noqdee
Hadaan danaheyga jiray
Jir diidku xaguu ka yimid
Ma jiid aan is jiidanaa
Jeenyaha ina daalibaa
Hadaan jiro maw jab baa
Dadbaa jira wada dhashoo
Jeex iyo karin wada dagoo
Jadiinka la quutiyo
Maryaha kala jeexan jiray
Waxaa kala jiiday nacab
Jihaba qaar buu ku daray
Adaa ila jiri jiree
Jabuutiyo Gaarisiyo
Jigjiga aan doonanee
Jeer hore waa taad midnimo
Jid dheer iisoo martee
Ha jiidane joog walaal
Jirbaa nahay wada dhashee
Yeynaan cadowgeen u
jabin midaan na kala jecleyn