Fiska:
Labada is daryeela
Daacad isu ahaada
Ee aan isdileynba
Ubadka daadaheeya
Aroos ka digleyne

Abdifitah yare:
Jaceylku waa dadoo
Dar xumo ma’galoo
Duliga ma geeyee

Fiska
Shimbirba shimbirkiisa
Hala duuloo
Qof walba kan la dooqa
Haloo daayee

Abdifitah yare
Labadeenaa Leysla doonay
Laysla doortay
Quulubal caraf Allah raaciyoo

Dadaalka waxa gaara
Niyadda aan daalin
Inagoo isku duuban
Danteena u mideysan
Dadabka ma’rumeynay

Fiska:
Jaceylku waa dadoo
Danbiba magaloo
Dowladi ma xidhee

Abdifitah yare:
Shimbirba shimbirkiisa
Hala duuloo
Qof walba kan la dooqaa
Haloo daayoo

Fiska
Labadadeenaa Leysu doonay
Isla doortay
Quulubal caaraf Allah raaciyoo

Raggaa dunidoo dhan
Dalkiyo dibadiisa
Waxaa goob jooga
Adigaan kaa doortay
Gacaliye isma diidno

Abdifitah yare:
Jaceylku waa dadoo
Dar xumo ma’galoo
Duliga ma geeyee

Fiska:
Shimbirba shimbirkiisa
Hala duuloo
Qof walba kan la dooqaa
Haloo daayee

Abdifitah yare:
Labadeenaa isla doonay
Isla doortay
Quluubal caraf Allaha raaciyoo (lama hubo)

Ubaxa dunidoo dhan
Darayga ugu diiran
Jaceylku kuna daaqo
Daayo aan kugu deeqee
Gacalo hoo daawo

Fiska:
Jaceylku waa dadoo
Danbiba magaloo
Dowladi ma xidhee

Abdifitah yare:
Shimbirba shimbirkiisa
Hala duuloo
Qof walba kan la dooqaa
Haloo daayoo

Fiska:
Labadeena Leysu doonay
Isla doortay
Qulubal caraf Allah raaciyoo.

Fadlan heesta wax baa ka qaldan
Hadaad awoodaan ina saxa

Exit mobile version