saxariir aduunyiyo
surmi adiga oo qaba
ee diihaal ku saanyaday
saw kaama sama bixin
seeraha calmadoodiyo
surad baalaheediyo
ilamaa sanaag bari
saw kuuma maasheyn
waa maxay sawaxankani
saluugaagu badanaa
ma sideed jirbaa tahay
huuno maxaan kuu sasabayaa

sixintiyoo kaleetiyo
xantu subag ma noqotee
ileen xoor sareetiyo
xumbo suurta weeyaan
iska soco ha yuusine
abidkaa hasoo noqon
soodimaha soo xidho
ha iskeen seejo calafkuye
waa maxay sawaxankani
saluugaagu badanaa
ma sideed jirbaa tahay
warya maxaan kuu sasabayaa

Exit mobile version