Heesta Tiiri caashaqa - Lyrics
barashada tisqaadiyo
tiigsiga jacaylkiyo
tooyashada kalgacalda
yarkii igu talaalee
taban taabi jirayow
mar hadaan talaabada
tahan aawada dagay
balantii taxnaydiyo
taageer warkeenoo
inaan toosto reebnoo
nolol kale tusmaynaa
alla talo ku gaadhee
adna tiiri caashaqa
tiriigii naftaydiiyo
todobkii dubaaqee
haasaawe toolmoon
talantaali muxibada
tiigsaday dareenkow
mar hadaan tanaadnoo
nasiibkeena tidixnoo
taabnay guulaheenii
taageer warkeenoo