Adoo golo ka maarloo
haweenkaba ka gaabsaday
sowtaan ku gada baray

Garta iyo tusaalaha
adigoon gorfeyn karin
sowtan geesi ka dhigay

Go’e halaq miyaa tahay
hadba marada ii gala
godgodleyntu waa maxay
waad iga gardarantahee

Waan ka gadoomee, ha goohin
waanan kugu galeynine, ha guuxin
waan guurayaaye, igees mar

Gungushii la dhaanshee
loo tiriyay guulkee
intuu maanta ii gobayee

Gibisha iyo heerayada
idinkuna gadood iyo
abaal gabe ha noqninee

Go’e halaq miyaa tahay
hadba marada ii gala
godgodleyntu waa maxay
waad iga gardarantahee

Waan ka gadoomee, ha goohin
waanan kugu galeynine, ha guuxin
waan guurayaaye, igees mar

Exit mobile version