Heesta Xural cayn - Lyrics
Xuural cayntii aduunkaay
Xidigtii haweenkaay
Xaawaleyda oo idil
Taan ka soo xushaay
2x
Kol hadaad xilahaygiyo
Xaaskaygii noqotee
Guri xalaala joogno
2x
Xil weynbaa na saarane
Xigtadiyo qaraabada
Xagaygiyo xagaadaba
Waa inaan xilkawrnaa
2x
Is xaqdhowrka labadeena
Hadaad xabiibi igu tidhaa
Ana xayaati kugu idhaa
2x
Macaaney xagaygana
Qalbigu qalbigu wuu xasilayaa
Xaaduna istaagtaa
2x
Xuural cayntii aduunkaay
Xidigtii haweenkaay
Xaawaleyda oo idil
Taan ka soo xushaay
2x
Kol hadaad xilahaygiyo
Xaaskaygii noqotee
Guri xalaala joogno
2x
Xil weynbaa na saarane
Xigtadiyo qaraabada
Xagaygiyo xagaadaba
Waa inaan xilkawrnaa
2x
Is xaqdhowrka labadeena
Hadaad xabiibi igu tidhaa
Ana xayaati kugu idhaa
2x
Macaaney xagaygana
Qalbigu qalbigu wuu xasilayaa
Xaaduna istaagtaa
2x