VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wadani - Lyrics

Dhul wada dhashaan nahay
Dal qudhaynu wada nahay
Dabuubiyo odhaah qudha
Dad soomaali baan nahay.
Maxaa laysu dilayaa
laysu dabar jaraayaa
Dagaalaha sokeeyaha
yay dani ugu jirtaa

In qabiilku duli yahay
Qabqabluhu dijaal yahay
Shacabkuna il daran yahay
Ma cid bay ka dedan tahay.


Daayin idinku dhaarshee
Diinta soo xasuustoo
Danta nabada doona
War dadka nolol u raadsha

Dhul geedka damalka ah
Doonyeesta baan nahay
Daris iyo walaalnimo
Dad islaama baan  nahay

Maxaa laysu dagayaa
Laysku daba marteeyaa
Deydeyga iyo dalqalatada
Yaa doortey kaligii

In dagaal ooge nacab yahay
Doolar qaate duli yahay
Shacabkuna duleed yaal
Ma cid bay ka dedan tahay

Daayin idinku dhaarshee
Diinta soo xasuustoo
Danta nabada doona
War dadka nolol u raadsha

Queue is empty
-- / --