logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaal waa igu weyntahe mp3 ahaan

Sawirka Farhia Fiska

Farhia Fiska

Fikradaada ka dhiibo heestan

Walaal waa igu weyntahe lyrics

Walaasheey dhabaay
waa igu weyntahee
aniga waa igu weyntahee
Lyrics by Masuul.com

Warheyn iyo adaa
waliga ogaa
iga wardoonayee
inta waligey jiro
abaalka walaal
waa ku heynaya

Wadnaha ku taalaay
walwal iyo walaac
Weyne kaa fogee

Walaalkey dhaba
waa igu weyntahee
waa igu weyntahee

Waalidkii i dhalay
hadyad waafiyo
waa ina siiyo
waayaha aduun
wax kasto jiraba
aan ka weheshado

Wadnaha ku taalaay
walwal iyo xumaan
Weyne kaa fogee

Walaasheey huunaay
waax iga midaay
aniga waax iga midaay

Waano iyo tallo
waxa igu tiraah
waa axsaan ii gashe
wareegtada dunidan
admi waxa ku nool
adaa iga walaale

Wadnaha ku taalaay
walwal iyo walaac
Weyne kaa fogee

Walaalkey dhabaa
waa iid wacantahe
waad hay wacantahe

Wiilasha indhuhu
wajiga ku fara
nuur waa baru
wadka lama hure
halkaad walad ku taal
goormad koobisee

Wadnahaad ku taalaa
walal iyo xumaan
Weyne kaa fogee

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --