xalay duruustii la ii dhigay
intaan daawan laabuu
fikirka igu soo dagay
ila koray daruurahaa

habeen horena doodii
dunta iyo xariirtii
dagmadii arooskaa
waagu iigu daalacay

markuu inan dantii wado
ee uu dugsiga jiro
diyaaradaa ma raacoo
jacaylka uma duulee
dareenkaa xasuustaa
qaaraan u diidayn
ana ii danaynayn
dadaalkii cusleeyee

xalay dahab la moodkii
intaan daawan laabuu
dayaxii habeenimo
iga galay daruuraha

duhurkii shalaytana
dunidaan dhib waayine
warqadihii la soo diray
durbadaan furfuraybay
dadkii igaga kadiyeen

Exit mobile version