Heesta Dhakac dhakac - Lyrics
Caashaqi weligii lagama dhargoo
Dhuuxiyo lafahuu udhaadhacaa
Dhuunta cunaha ay martiyo
Dhiiga iyo wadnahuu dhexsocdaa
Sida dhabic roobaan kugu dhacaa
Sida wiil aan dhalaan kaaga naxaa
Dhibta iyo ceebta kuu diidaa
Nagahay aday ku maqlaan
Indhahayguna aday ku dhugtaan
Soo dhawaw Dhabta aan ku saaree
Dheesha dheeshee
Dhakac dhakac, aan dheelnee
Dhuumashoo, aan dheelnee
Dhamac caashaqaaga igu dheeree
Dhabtiii adigaa kugu dhaartaa
Dhakhtarkiii jaceylkana adiga ahow
Bogtana adigaa dhayi kareee
Sida dhabic roobaan kugu dhacaa
Sida wiil aan dhalaan kaaga naxaa
Dhibta iyo ceebta kuu diidaa
Nagahay aday ku maqlaan
Indhahayguna aday ku dhugtaan
Soo dhawaw Dhabta aan ku saaree
Dheesha dheeshee
Dhakac dhakac, aan dheelnee
Dhuumashoo, aan dheelnee