Heesta Ha iloobin - Lyrics
Caashaqu uurkiyo qalbiga
Hoorureen na wabaa
Idilkeed oogada jidhkuna
Adigay kuu oomantee
2×
Afkiyo niyaduna intaa
Amaantaaday hayaan
Afkiyo niyaduna intaa
Amaantaaday hayaan
Adkee wacadkiyo axdiga
Ha iloobin ha iloobin
Adkee wacadkiyo axdiga
Ha iloobin ha iloobin
2×
Adigaa aragaagiyo
Axey quruxdaada badan
Indhaha soo jiidayaan
Jacaylku ka unkamaa
2×
Intaan kuu qabo darteed
Amaantaadaan hayaa
Intaan kuu qabo darteed
Amaantaadaan hayaa
Adkee wacadkiyo axdiga
Ha iloobin ha iloobin
Adkee wacadkiyo axdiga
Ha iloobin ha iloobin
2×
Adkee wacadkiyo axdiga
Ha iloobin ha iloobin
Ha iloobin ha iloobin