Heesta Hooyo ruun - Lyrics
Ruun hooyadeydey
waxii aad rafaad iyo
igu korisay raaxaba
anoon roorkaba baranoo
ra ahsanin ra'yiga wali
maxaad hooyo ruuney
dad iigu rooneyd
raasumaalka dunidiyo
hadaan xoolo kuu raro
xaqaagi ma ridayee
raxmad iyo barwaqiyo
raaxo iigu noolow.
Rug ku yaalo janado hooyo ruuneey
rasuulkii udgoonaa iyo raac
asxaabtii rabi raali kaa noqoy
Lyrics by Moha wali