Wan hubaa hubaal weeyee
Inaan kuu hanweynahay
Oo aan had iyo jeer
Muuqaaga ku hamiyoo

Oo aan hiraabadan
Aawada haraad qabo
Oo aan hiraabadan
Aawada haraad qabo

Ragna ugu horaysoo
Halyay lagu hirtaa tahay
Ragna ugu horaysoo
Halyay lagu hirtaa tahay

Adna horumarkaygoow
Hoy aan yagleelnoo
Hoobaanta guranee
Hareertaada ila qabo ila qabo

Waan hubaa hubaal weeyee
Inaan halis jacayl qabo
Oo aan ku hibeeyoo
Kugu sido halbawlaha

Oo aan kugu had haadyoon
Hareertayda kaa dayo
Oo aan kugu had haadyoon
Hareertayda kaa dayo

Ragna haybad dheertoo
Geesi lama huraan tahay
Ragna haybad dheertoo
Geesi lama huraan tahay

Adna horumarkaygoow
Hoy aan yagleelnoo
Hoobaanta guranee
Hareertaada ila qabo ila qabo

Exit mobile version