Heesta Naftaydaay raali noqo - Lyrics
Naftaydaay raali noqo
Beeneey raad laawe noqo
Rugtii lagu abaarsadiyo
hungooy lagu raysto noqn
Rooboow kii hoore noqo
Ramaas iyo udgoon lahoo
Ugbaad iyo raysle noqo
Rafiiqoow labo is jecel
Ra'yiga kala qaata oo
Is raal galshoo wanaag
Raxmad udhaxeeso noqo
Nanftaydaay soo rajuuc
Riyada beenta ahna diid
Waxii roone kuu qornaa
Rasmiga ku nagaanayaa
Runtii waxaan raadiyaba
Rafaadkii hore dhamaa
Raxmaankaan ku mahdiyaa
Rafiiqoow labo is jecel
Ra'yiga kala qaata oo
Is raal galshoo wanaag
Raxmad udhaxeeso noqo
Runta udhaxeeso noqo