nin ragaan ku moode
najis yahow qarmuunka
nadalyahow fataalka
naxlibaa iga lisee
ha ku naago biiyo

hadii aan nuxiistiyo
beentaad laba labaysiyo
lifaaqaaga garan la'a

nafta kuuma dhiibeen
kuma naali dhowreen
nuur kaama yeeshen
nacam kuma yidhaahden

aniga se nacasow
niyadayda wacaniyo
kalnadiifa kuu cugan
igu kaa nagaysee
ibliisyahow inabad gali
ilamahayga ii dhaaf

markii aan naruuriyo
nasri kaa filaayay
adigaaba nacabkiyo
iiga daray namiimkee
neefyahaw nakala daa

Exit mobile version