Samsam taan jeclaayeey
Sintiha yadhay iyoo
Sooriga wanaagbaay

In kastoon sidaan rabay
Iyo siman arooskiyo
Sacabka la tumay iyoo
Soo gaadhin farxada

Saygaaga wali iyo
Adiguba sareeyoo
Saadaq iyo ayaaniyo
Ubad diinta saacida
Rabi ha idin siiyee
Samsam ila dheh aamiin aamiin
Samsam ila dheh aamiin aamiin

Samsam hooyo ruuliyoo
Sidii aabaheenbaa
Sadrigay ku taalaa

Suuradaha quraankiyo
Saatir waxaan baryaayaa
Samo inaad ku waartaan
Samsam inaad ku waartaan

Saygaaga wali iyo
Adiguba sareeyoo
Saadaq iyo ayaaniyo
Ubad diinta saacida
Rabi ha idin siiyee
Samsam ila dheh aamiin aamiin
Samsam ila dheh aamiin aamiin

Wali ila dheh aamiin aamiin
Wali ila dheh aamiin aamiin
Samsam ila dheh aamiin aamiin

Exit mobile version