VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aboowe - Lyrics

Hadii aad ogtahay Sida ay indhahay Eegmadaa qudha Kuugu oynayaan Waad ilmayn lahayd 2x Dhaguhuna orod iyo Ereyada macaan iyo Anbaqaadka sheekada Ugu ooman yihiin Kamaad aamusteen adi 2x Hadii aad ogtahay Sidaan aynigaagii Kaa meeleeyay Uurka kuugu qoray Waan hubaa aboowow Inaad inaad Inaad ii asxaan fali 2x Hadii aad ogtahay Sida uu afkaygii Amaantaada tirinteed Uu ugu irmaan yahay Waad adeeci lahayd 2x Adimada cagaha iyo Gacmahaan itaalsado Lixaadada adeegaa Awood fuliye ugu tahay Arxanbaad ugu noqon lahayd 2x Hadii aad ogtahay Sidaan aynigaagii Kaa meeleeyay Uurka kuugu qoray Waan hubaa aboowow Inaad inaad Inaad ii asxaan fali 2x
Queue is empty
-- / --