VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaliil - Lyrics

Ninka i dhaliilayoow Walaal waan kuu dhintaa Adaan kuu dhaarsanahayoo Dhidiyo udubaynu nahayee 2x Ul iyo dheebaynu nahay Dhag iyo maqalbaynu nahay Dhuuniyo anfacbaynu nahay 2x Adaabaan kula dhashee Mid aan ila dhiig ahayn Sidee sidee Sideen kuu dhaafsadaa 2x Dhaleecada maad hurtaan Haweenka maxaa u dhibtaan Dhaleecada maad hurtaan Haweenka maxaa u dhibtaan Miyaan hooyo idin dhalin Oo miyaydaan walaalo ahayn 2x Adaan kuu dhimanayaa Intaad ugu dhaarataan Dharaaro markaad qabtaan Maxaad uga dhuumataan 2x Dhalaanka maxaa u nacdaan Dhashiina maxaa u hurtaan Maxaad isla dhalan rogtaan 2x Hadaydaan dhaqan karayn Ama aydaan dhamays tirayn Waar jacaylka jacaylka Jacaylka maxaa u dhistaan 2x Dhaleecada maad hurtaan Haweenka maxaa u dhibtaan Dhaleecada maad hurtaan Haweenka maxaa u dhibtaan Miyaan hooyo idin dhalin Oo miyaydaan walaalo ahayn 2x
Queue is empty
-- / --