Masal guuro caashaqee
Ani sibiq ma igu yidhi
Masal guuro caashaqee
Ani sibiq ma igu yidhi

Intuu samada ila tagay
Saxarbaan la fooraraa
I sabee ma igu yidhi
Intuu samada ila tagay
Saxarbaan la fooraraa
I sabee ma igu yidhi

Dhalanteed ma igu sabay
Soo jeede maqanoon
Seexanayn ma iga dhigay
2x
Masal guuro caashaqee
Ani sahal ma igu helay
Masal guuro caashaqee
Ani sahal ma igu helay

Intii soorkii iga xidhay
Sanqaroor ma igu xidhay
Ma i saaray heeryada
Intii soorkii iga xidhay
Sanqaroor ma igu xidhay
Ma i saaray heeryada

Seedihiyo iyo halbawlaha
Wadnihii ma sarayoo
Halistii ma sudhan yahay
2x

Exit mobile version