Heesta Qumane - Lyrics
Qumanoow jacaylku
Waa cudur qarsoonoo
Dawo qaadanaynoo
Dhakhtaradu ka quusteen
Dhakhtaradu ka quusteen
2x
Inta uu qof qaasiyo
Qaar intuu ka tuuray
Lagu daray qabuuraha
Qiyaas looma heli karo
2x
Anaa qiray kalgacalkoo
Hadii la igu qaafalay
Qamuunyada daraadaa
Qatar aan ku suganahay
Qaado waajibkaagoo
Qalbigaaga ii godol
2x
Qumanoow jacaylku
Waatu layla iyo qeys
Labada luqun gooyoo
Qabriga u taxaabayee
Qabriga u taxaabayee
2x
Qaawad xoog leh inuu yahay
Qaabiil waa tuu
Haabiil ku qoomoo
Qaansada u dooxee
2x
Anaa qiray kalgacalkoo
Hadii la igu qaafalay
Qamuunyada daraadaa
Qatar aan ku suganahay
Qaado waajibkaagoo
Qalbigaaga ii godol
2x