rayigiyo garaadkiyo
raasamaaliyo milgiyo qurux

miduu WAYNE siiyoo
u roon dhaayahaad tahee

raxmad dhibic da'aysoo
naxariista sida roob
nafta ugu rushaysaa

RABI wuxuu abuuraan
runtii kuugu jeclee
rafiiq gacal wadaagiyo
aynu noqono ruux qudha

raali galinta buuxdiyo
RAXMAANKAA xushmiyo edeb
rasmi kuugu daahoo
runtii maanka deeqdee

riixaan dhibic da'aysiyo
kalgacaylka sida rays
nafta ugu ragaadee

Exit mobile version