Fariintaadi waan helay
Deg baartu ii timid
Furo waraqaaha
Ka fayoo u fiirsaday
Anba waan filaayay

Foolxumada colaadiyo
Dadka ka fayoobahay
Faraha dhiiga kula jiro
Ina kala faqooqoo
Ina kala fogeeyee

Fasaxa aad sugaysana
Alaha kuu fudaydshoo
Fay ha kaaga dhiga oo
Farxad kuu rajeeyee
Abiid waan kuu filayaa

Ha fakarin filkeeygow
Cishqibaa i foodoo
Ma fodo naftaydii
Midkii markay tahay
Anba iiban maayoo

Baraf qaboow ku fariistee
Fooradaa dabayshee
Fahmay waaye meeshoo
Fooraha dhacaaya
Ku fariisan waayee

Fasaxa aad sugaysana
Alaha kuu fudaydshoo
Fay ha kaaga dhiga oo
Farxad kuu rajeeyee
Abiid waan kuu filayaa

Exit mobile version