VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jaceyl iyo jabkiisa - Lyrics

Jacayl bay irusheeyoo Jirkaygoo oo idil dhamaan Wadnahayga jibaaxoo Nafteedii jikaabay Jirjir baan u aaalaa Ilaa jiidno waaberi Hurdo jiifsan waaee Qalbigaad ku jilantoo Niyadaa ku jamatee Mar uun soo jaleecoo Dhankaan kaa jiray imoow Anigoo ku jeceloo kuu jeelan inanyahoow Adaa joogsan waayo dhan kalee jaleecee Hadaad jibisee wacadkee anna jaray xirirkee Kuma jiir naxaayee Midkaloo i jecel baaa Midigteeda joogee Kuu joojin maayee Jaahaada iga qariyee Inanyahay jalaqsani Jimid loo dhameeye Hadaan jabiyay wacdkii jaraxeeyay caashaqa Maantaan ku jecelee kaama joogi karayee Laabtaad la jaar tahee Qalbigaad ku jilantoo Niyadaa ku jamatee Mar uun soo jaleecoo Dhankaan kaa jiray imoow Jiribka iyo xanuunkiyo Jabkii aad imarisay Jaliil baa iga saaroo Jaalkii baan helay Jid kale ka eego Ruux kale oo aad juujuubtee Jahadana ka lumisee Midkaloo i jecel baaa Midigteeda joogee Kuu joojin maayee Jaahaada iga qariyee
Queue is empty
-- / --