Jacayl bay irusheeyoo
Jirkaygoo oo idil dhamaan
Wadnahayga jibaaxoo
Nafteedii jikaabay

Jirjir baan u aaalaa
Ilaa jiidno waaberi
Hurdo jiifsan waaee

Qalbigaad ku jilantoo
Niyadaa ku jamatee
Mar uun soo jaleecoo
Dhankaan kaa jiray imoow

Anigoo ku jeceloo
kuu jeelan inanyahoow
Adaa joogsan waayo
dhan kalee jaleecee

Hadaad jibisee wacadkee
anna jaray xirirkee
Kuma jiir naxaayee

Midkaloo i jecel baaa
Midigteeda joogee
Kuu joojin maayee
Jaahaada iga qariyee

Inanyahay jalaqsani
Jimid loo dhameeye
Hadaan jabiyay wacdkii
jaraxeeyay caashaqa

Maantaan ku jecelee
kaama joogi karayee
Laabtaad la jaar tahee

Qalbigaad ku jilantoo
Niyadaa ku jamatee
Mar uun soo jaleecoo
Dhankaan kaa jiray imoow

Jiribka iyo xanuunkiyo
Jabkii aad imarisay
Jaliil baa iga saaroo
Jaalkii baan helay

Jid kale ka eego
Ruux kale oo aad juujuubtee
Jahadana ka lumisee

Midkaloo i jecel baaa
Midigteeda joogee
Kuu joojin maayee
Jaahaada iga qariyee

Exit mobile version