Fartuun Cumar
Naftaan kuu muahatee
Jacayl meermeeriyaa
Macaanow adi dartaa
Cuntada wada diidayoo
Adiga ma ogtahay runtii
Anniga maanka iyo qalbiga
Adaa dhaxmushaaxaayo
Mashquuul baad iga dhigtee
Muftaaxay adaa hayee
Midaan anniga yeeli karin
Mariinkaaga yuusan noqon
Abdi abiib
Naftaydaan kuu maagtayee
Muuqeeda wada lumaay
Macaaneey adi dartaa
.. Wayn kuu qabtoo
Macbuudkana woo ogyahee
Anniga maanka iyo qalbiga
Adaa kuu agmeerayoo
Inaan meher kugu xeroo
Muraadkeega uu yahee
Anniga moolaha baryayee
Adiga aaminta mari
Fartuun cumar
Anniga muxibadaan qaba iyo
Cishqigaan igu miirmay baa
Macaanow adi dartee
Umeel marshoo
Adiga ma'ogtahay runtii
Anniga maanka iyo qalbiga
Adaa dhaxmushaaxaayo
Mashquuul baad iga dhigtee
Muftaaxay adaa hayee
Midaan anniga yeeli karin
Mariinkaaga yuusan noqon
Abdi abiib
Anniga masalada murtida
Micnihii waxaan ugu socdaa
Macaaneey adi dartaa
Habeen waan ka magan galoo
Weliba waan kamaanacee
Anniga maanka iyo qalbiga
Adaa kuu agmeerayoo
Inaan meher kugu xeroo
Muraadkeega uu yahee
Anniga moolaha baryayee
Adiga aaminta mari
Lyrics by Miski <3 Maalmo