Ruux ruux ku sugaayoo
Ku saadaalaaniyoo
Ku sugaaya waligii
Kuu samraaya baan ahee

Sahal caashaq maahoo
Waad isaaqdoo anigoo
Runtii waad isadaataa

Intaanad sababtayda noqon
Seeftaa iigu kaa xidhanee
Dhankayga mar soo jaleec gacalooy
Dhankayga mar soo jaleec

Intaanad sababtayda noqon
Seeftaa iigu kaa xidhanee
Dhankayga mar soo jaleec gacalooy
Dhankayga jiro soo jaleec

Ruux ruux Sahwiyaayo
Seexanayn habeenoo
Suntii caashaq gaadhoo
Ku sugaaya baan ahee

Nafta waan sasabayaa
Sodan baa i dhamaanbaa
Ku sugaa nasiibkee

Exit mobile version