mirihii macaanaa
miisan la saariyo
maalamahan waa nacee

maadiga kugu soo maqnaaye
daadiyo maankeeda deeqde
mawlaa malab ka dhigee

maantaan mabsuude
midigtee qabee
adigaan ku maaganee

moqofkaa ma lehee
mudo dhexe ku mirqaane
huuno ma ilahee meel kale
midigtaada ka muuqate

malkadaadi yeeshe
muxubadaadi moos
intee meel ma la gaadhe
mixla la'aan maraye
miyirkeed dhan wa la qaade
kii i imo soodayaa
micna yeeshe ma macanaysata

Exit mobile version