waa nacab jacayloo
niyaduu haleelana
naafuu ugays taa

ana nabaradiisaa
noloshayda hawl iyo
niyad xumi kubeertee

nuukii ka gacal koow
waxan naawi laayaa
inaad ii nuqlaatee

naftaydaa kuraacdoo
kaa noogi maayee
illa naaxi caashaga

waa nabar jacyloo
nasan maayo ruuxu
naxariis udiidee

aniguna nabad iyo
ma helo nasteexoo
nacab kayga weeye

nabad aan ku waarnee
iidhaga nuglawoo
ha iga goyn naruurad

Exit mobile version