VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gufaaco - Lyrics

is guhaadshay
inta aan guntaday
gucla roorayeey
godobtay nin qaba
garan waayayeey….

Aniguna garaadkay
kaa gaabsan waayee
adna garashadaadii
ii garaabi waydee
dhibta aan galaayana
i gargaari mayside
Gudcurkaan habeenkii
dhaxanta iyo gawraha
aawadaa go’doomee…

Naftan guga iyo jiilaal
biyo gaadhi wayday
waa guul aroorkaa
sida geed harwaynee
galin laysma taagoo
wali maan gayoobine
waaloo garaabaa
ruux gaabinaayee
Gacalnimada ii goo…

Gufaacaale rooboo
guux iyo dabaylaa
halka uu igeeyaba
gacankii iqaadyee
garana maayo meeshay
godobtu iga raacdee
waxan gaystay mooyee
ifkuu dhibi igaadhee
hadalna wayga go’aye

Queue is empty
-- / --