VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iskumaan ogayn Cover - Lyrics

(Cover) Waxaan uurka kaa jirin Afka lagama sheegoo Afeef kuu horreysiyo Adkeysimo dambeetaa Mid uun lagu itaalaa Af-gobaadsi hadal iyo Arar wuu ka weynaa Jacaylkaan abuurriyo Axdigaanu dhigannee Meeyey olalaheennii? Iskumaan ogeyn Inaad oofin weydaa Iskumaan ogeyn Inaad bixiso aayaha Iskumanaan ogeyn inaad adhax igoysaa Iilkii xabaashana Inaad ii horseedaa Asaagey iga reebtaa Haaa-----haaa----aa. Istareexday maantoo Adey kuu ahaatee 2x Waadigaa aroosee Bal aan eegno aayaha U hirdaan nafteydaa Ogolaatey ruuxaan Asxaan/axsaan ii galeynoo Uumiyaha dhammaantii Ugasoo go'doontee Inkastood abaal iyo Ixtiraam ku leedahay Sida aar libaax bey Isha kugu gubaanoo Aayo ma laha duunkuye Iskumaan ogeyn Cilmi oogtii loo qodey Inaad igu af-goysaa Iskumaan ogeyn Inaan kala irdhownaa Iilkii xabaashana Inaad ii horseeddaa. Asaagey iga reebtaa.
Queue is empty
-- / --