VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jalam qalam - Lyrics

wixii aan jab soo maray jeexyo aan ka dhaadhacay ama jaaho wareeree marbaan jidhidhicoodaa jidhku I dubaaxshaa intaan jaw idhaahdaa dib u jeeha laabta jidkaan maraan jeedaaliyaa anoo jilcaan yara jiibsadaa intaan jiidhay halistii xalay jalaladkaygiina miyaan jahada la ii dhigin qalam jalam jalam qalam qalam jalam jalam qalam jacaylkuye sowkan jiirta ila koray jarka dacalka iga lulay ha soo jeedsan igu yidhi Jamaal qurux wanaageey jowhar iyo luulaay heedhe joharadiiye marbaan jidhidhicoodaa intaan jiitamayaan orod jagac ka siiyaa jidkaan maraan jeedaaliyaa anoo jilcaan yara jiibsadaa jeexaygii midigeey jifadkiyo taahiga miyaan jihada la ii dhigin qalam jalam jalam qalam qalam jalam jalam qalam jacaylkuye sowkan jiirta ila koray jarka dacalka iga lulay ha soo jeedsan igu yidhi ha soo jeedsan igu yidhi ha soo jeedsan igu yidhi
Queue is empty
-- / --