VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Asmar boqoradaydaay - Lyrics

Asmar boqoraddeydaay Iftiinkii ka soo baxay Geeska Afrikaadee Indhaheyga deeqaay Alleylehe Ilwaadeey Bilicdiyo asluubtiyo Naxariista eraygiyo Garashaba adaa dheer Hablahey abwaannadu Allifaadda heesaha Horay ugu ammaaneen Jaceylkaad abuurtaa Oogada ku fidayoo Ii diiday oontee Dhigihii adkaa iyo Udub ma isu noqonnaa? Udgoon gacaleydaay Ubaxii Qorraxey iyo Bilicdii adduunkee Anna aan arkoodaay Asalkii haweenkee Asluub lagu barbaarshee Oori key u noqotaa Asaaggii u faanaay Aqal kaad u joogtee Ubad aad u korisaa Ragba ugu ayaan badan Jaceylkaad abuurtaa Oogada ku fidayoo Ii diiday oontee Dhigihii adkaa iyo Udub ma isu noqonnaa?
Queue is empty
-- / --