Asmar boqoraddeydaay
Iftiinkii ka soo baxay
Geeska Afrikaadee
Indhaheyga deeqaay

Alleylehe Ilwaadeey
Bilicdiyo asluubtiyo
Naxariista eraygiyo
Garashaba adaa dheer
Hablahey abwaannadu
Allifaadda heesaha
Horay ugu ammaaneen

Jaceylkaad abuurtaa
Oogada ku fidayoo
Ii diiday oontee
Dhigihii adkaa iyo
Udub ma isu noqonnaa?

Udgoon gacaleydaay
Ubaxii Qorraxey iyo
Bilicdii adduunkee
Anna aan arkoodaay

Asalkii haweenkee
Asluub lagu barbaarshee
Oori key u noqotaa
Asaaggii u faanaay
Aqal kaad u joogtee
Ubad aad u korisaa
Ragba ugu ayaan badan

Jaceylkaad abuurtaa
Oogada ku fidayoo
Ii diiday oontee
Dhigihii adkaa iyo
Udub ma isu noqonnaa?

Exit mobile version