Heesta Lahansho - Lyrics
waa laxos aduunyadu sida loo yag leelee
waana lagu lug go ayaa
adoo shalayto liitaa maanta aad ladnaataa
ood libin haleeshaa
waxaan uga gonleeyahay laxaw iyo kalgacalbaa
laabtaydi dagayoo wuxu luunku ii maray waa
lahashadaadee hadmaad igu lamaanaan
waa ligan aduunyadu hadba meel ka laacdee
lagu daba lumaayee
caashaqan lurkiisuna lama dhalanin kaligay
mana loodin karayee