Heesta Dhameys - Lyrics
daruur dhabi ku hoortiyo
dhibic doog gu'yaadiyo
ubax dheel ka toosiyo
cirkoo qurux dhamaystow
dhaayihiisa diinkuba
ku anqari dhasiisee
ana dhugashadaadaan
ku dhayaa naftaydee
ALLOW nolol dhamaysiyo
farxad aan dhamaaniyo
udubkeedu yahay diin
ku dhisnaa ku dhaqnaa aroos wacan
dayaxoo dhamaysiyo
dheeman iyo luuliyo
dhool bari ka muuqdiyo
dhediga dhaban wanaageey
dhibaatada abaaraha
ragbaa dhabar adaygee
ana dhawristaadaan
dharaarahan la noolee
ALLOW nolol dhamaysiyo
jacayl aan dhamaaniyo
dhaqan uu u yahay tiir
ku dhaqnaa ku dhisnaa
ku dhaqnaa dhalaan wacan
jacayl dhaxal tisqaadliyo
dhaymihii naftaydiyo
rajadaan dhursagayiyo
hanadkaan ku dhaatoow
dhag xumiyo ceebuu
nin ragi ka dhawrtaa
ana dhalintaba dhamaantod
adaan kugu dhadhabayaa
hido dhabeel ku caaniyo
dhanbaalkii kalgacalkiyo
dhaqaniyo xishood dumar
gabadhii asluub u dhalataay
dhudhumaha aboorbaa
dhilashada ku madhiyee
ana dhalan rogaygii
jacaylbaan la dhuubtee