Heesta Gobsanaa habalaha - Lyrics
marka guudka loo dabo timaha gadabta looxiro
tirsadaan gu' qaan gaadh gayaan koodu soo baxo
ee geed loo dago wada hadasha guurtidu gacan qaadku uu dhaco laga keeno guunyada
gibladiyo ciyaaraha la gim gimo arooskii
waa gaari nolol wacan lagu soo gardaadshee gobsanaa hablahayagu
xubno wada garaara leh itaal gogol dhaxaadiyo
tima goray haldhaaga ah afmadow gundhigu yahay
iimaan gun iyo baar ku manaystay guuloo gobanimaa lasiiya inta gola iskeentaa
xishood aan gaboobayn qurux aan gadoomayn maariin casaan galay waa midab ugaaree gobsanaa hab lahayagu