ma ogtahay daraadeed
riyo inaan ku daalay
aan bad wayn dabaashoo
ka baafiyay daruuraha

ta aan daydayaay
u dib jiray habeenadan
MAWLUHU ha daayee
daymada jaleecada
sida dar loo horay
ugumaan gunuunucin

ma ogtahay dantaydiyo
dawadayda inay tahay
oo aanan daynayn
oo la iigu daw galay

adaan dookh jacayliyo
kalgacayl ku daarine
miyaan duniba joogaa

Exit mobile version