Heesta Qalaafe - Lyrics
qaran sidii u qayirmoo quudkii ka go'ay qarow kama baxee
qooskaygoy noqataan qaboobi lahaa qaxarkay qudhayda galin naftoo laqaadana ka qawi ween
qabri dhexdii qol cidla ah ka daranee qadra yar mee
qunyar socodkiyo qamuunsiga ku raacee qabowga wabi iyo qaalafay kudhalatee
qalbigan bay quraan sidii sii ku qoran tahee waan qalaloo jaceel keedaa i qaribee
qoorteeda dahab ilkaheeda qoran ciridka qalin madow lagu qoryee
qosolkay qaarisaa uma qalmee qaararkiyo qool keeda bilan tan iyo qoobkaan ka qayirmee
qaadirkii uumay wadnuhuu kuu qod boo maqarin karee
qunyar socodkiyo qamuunsiga ku raacee qabowga wabi iyo qaalafay kudhalatee
qalbigan bay quraan sidii sii ku qoran tahee waan qalaloo jaceel keedaa i qaribee