Heesta Ugbaad - Lyrics
jacayl aayatiinloo
bishaariyo ugbaadloo
aan u ololayoo
uurkayga gubayaa
u odorasayaaye
jacayl anba qaadloo
bilkhayriyo udgoonloo
anuu ila xidhoo
oogadayda gubayaa
aan ardaa u waabee
ubax iyo jacayl dhaba
aflax nolosha kaan idhi
eegmadiisa oo qudha
kaan u oomanaa
ALAA igu simoo
abshir fadhaxle weeyaan
axdiyo jacayl dhaba
adeec nolosha taan idhi
arageeda oo qudha
ku ildoogsadaa
calaftuu i siiyaa
ALLE mahadii weeyaan
aqal ila yagleeshoo
ooridaadiiban ahee
ii arami aduunyada
ifka intaan ku noolahay
kaa adkaysan maayoo
kaama ooli karayee
aqal ila yagleeshoo
saygaagii baan ahee
aayahaygii naftaydaay
ilwaad qurux wanaageey
ii dhago nulow oo
aqbal keen ahaw abid