Heesta Xoodaamo - Lyrics
Sida faras bulaalo
aan xaaluf aragoo
nugaal xeys ka daaqoo
baruur dhabarku xoodmoo
ama xalin fadhiyayoo
la xanaanin jirayoo
xuduntiyo feedhaha
farawguu xardhoo
oo xuub dhacsadayoo
seyntu dhulka xaabtoo
oo aan xajiin iyo
wali mudan xas iyo boodh
oo xariir ka shaalkiyo
xakamihii la surayoo
hore loo xambaaroo
xog ogaale fuuloo
oo xuufta boodada
xawaaradala yaaboo
oon orodka xiiqeyn
qaar baa xaraamee
marka aan xagaagiyo
xubnahaaga eegaba
xiisoodayee
xadentoodayee
xoodaamayee
Sida geesi xididkiyo
xigtadiisu jeceshahay
oo xubinta hadalkiyo
xaajada yaqaanoo
oo xumaan sokeeyo
lagu xaman bakheylnimo
oo xoola bixintiyo
deeqsinima ku xeeldheer
oo loo xubeeroo
sida xuladka nooloo
xaashaan la dhaafeyn
halka uu xariiqoo
amase xadiiskiyo
xaqa diinta sheegoo
xag Illaahay mooyee
tii kaleba xooroo
oo ay xertiisiyo
dadkoo idil ku xoomaan
oo ay xuural ceyntiyo
jannadii xusuusteen
marka aan xagaagiyo
xubnahaaga eegaba
xiisoodayee
xadentoodayee
xoodaamayee