Saadaal wacanbaan arkaa
Nasiibkaad sugaysiyo
Nasrina wuu soo socdaaye

Waqtigu wuu samaanayaa
Rajaa soo muuqatee
Waqtigu wuu samaanayaa
Isbadalbaa imanayee

Haduu sanadkani adkaa
Mid khayrlaa soo socdee
Sareeduu kuugu curan
Ayaankaada saldhigi
Sidaad jeceshay wax noqon
Sidaan jecelahay wax noqon

Samraa ma hungoobayee
Wanaagaa saha u jiraa
Sansaankiisaan arkaaye
Sanqadhoo xiligii adkaa
Sabootinayaan maqlaaa

Exit mobile version