Xuliyo asalkii gobeedeey
Xalaal iyo xuural cayneey
Xurmiyo qof wada xariira
Xidigtii dumarkeen jeclaadaay

Xidhiidhkiyo barashadeena
Anaa ku xamdiyo lib weeyi
Adaan ku xasilay agtaada
I baray caashaqa xayaati
I baray caashaqa xayaati

Ma lado xiligaan codkaaga
Xabiibi Maqli waayo goorma
Xogtiyo aragaaga muuqo
Xalkii noloshayda weeyi
Xogtiyo aragaaga muuqo
Xalkii noloshayda weeyi

Adaan kugu xeeray Maanka
Hugaan xidhayoo mutaystay
Xaqiiq waxaa tahay dhankayga
Qofkaan rabayeen u xiisaay

Xilkasiyo garasho dheereey
Xubigaad beertayba magooley
Cidlada xiiso aan dhamaan
Oo dhanana Xabiibi xoorka
Oo dhanana Xabiibi xoorka

Ma lado xiligaan codkaaga
Xabiibi Maqli waayo goorma
Xogtiyo aragaaga muuqo
Xalkii noloshayda weeyi
Xogtiyo aragaaga muuqo
Xalkii noloshayda weeyi

Exit mobile version