hawadaa iyo dabayshaa
adaa hiirti baxayee
hadaldan fariinaa
hore iiga sii qaad
kuwa huray naftoodee
u halgama dalkoodee
hormoodkii dadkaygiyo
jwxo hore u gaadhsii
marka hore salaaniyo
ducaan soo hadeeyee
hoodo iyo nasiibiyo
hibo eebe idin sii
halyeeyadii dalkaygoow
soo hoyatay guushuye
hambalyiyo salaan wacan
hooya iga gudoomoo
halkiina kasii wada

hororkiyo waraabihii
hilabkeenii cuni jiray
hawsar iyo rassaasiyo
inaad holac cabsiiseen
halkii uu fadhiistaba
inuu hoogay leeyahay
waan helay akhbaartoo
haatuf baa isiiyee
hilibkii wayaanaha
haduu haadku booboo
ka halcaday dugaagee
halyeeyadii dalkaygoow
soo hoyatay guushuye
hambalyiyo salaan wacan
hooya iga gudoomoo
halkiina kasii wada

Exit mobile version