markaan jiray labiyo toban
jacaylkaan laasinaa
lubiga wali haysta oo
ku wayn lahashadu qalbiga
ma lado laylkii hurdada
dabaa luray oo jidhkiyo
laftaba luunbaa ka shida
wadnaha leebaa hadhsaday
yartii laacdoo naftaa
kalsooni laalaabataa
dhamaan laamaha is jecel
labeen ugu dhaashinaa
dareenkan igu lismiyo
jacaylka lilaahida
anaa daba luudayoo
la liicaya hadimadee
anoo helin layla iyo
midii laafyahay wacnayd
laxaadkayguna calmaday
inaan liqo ha iga sugin

Exit mobile version