markuu curuqda dhiigiyo
sanbabada calooshiyo
caashaqu wadnaha dagay

misna kaan calmadayow
ilayn ciidu kala fogee
caradaad ku nooshay
aanad cagaha ku gaadhay

caloolyowgaan qabo
la cabaaday awgaa
la coloobay jiifkoo
la caweeyay soo jeed

raga caam ahaaniyo
inta curad adoo kale
caawa nool aduunyada

cidna kulama simayo
cindigaygu guurbuu
fariiniyo cod mooyee
camalkaagii uu tabay

Exit mobile version