Markuu curuqda dhiiggiyo
Sambabada calooshiyo
Caashaqu wadnaha degay

Misna kaa calmadayoo
Illeen ciiddu kala fogee
Carradaad kunooshahay
Aanan cagaha ku gaareeyn

Caloolyoowga aan qabo
La cataabay awgaa
La colloobay jiifkoo
Ku caweeyay soojeed

Ragga caam ahaaniyo
Inta curad adoo kale
Caawa nool adduunyada

Cidna kulama simayoo
Cindigaygu goortuu
Farriin iyo cod mooyee
Camalkaagii uu tabay

Caloolyoowga aan qabo
La cataabay awgaa
La colloobay jiifkoo
Ku caweeyay soojeed

Exit mobile version