Heesta Xamar – Jawaab toos ah - Lyrics
Waayeelkaan dibnaha furay
Asagoo da'daas jira
Dogob meel la dhigay iyo
U eg daabka yaambada
Doqontaa kasii daran
Dulucdiyo u jeedada
aan dareemi karinoo
lagu diray dadkeedii
Danbi Malahan ayaduye
Waa laga danbeeyaa
Dablay daraja sheegtiyo
Daba Keenka Weeyan
Dowladii Jabuutiyo
Maxa Dariska kaa galay
Ducaduna Maxey Tahay
Maxaa lagu Dabiiba
Yaa Dagaalamaayo
Daawo looga Dhig ayaa
Xamar may dakaaminoo
Daruuraha ay mareesaayee
Doog baa hareeyoo
Dalxiis bay ku caantahayee
OO yaaa diidi karaayee
Xamar lagu daydaa mudan