hoygii dalxiiskee
haybad wacaney arabsiya
huluuqiyo galoolay
lagu mood hibaaq ka baxay

bustaamadii hargaysee
liintu hareeraha
lulanayso hoobaan

ma hungoobo caashaqu
hor ilaahay laabadii
heshiis meel u dhigataa
halabsada jacayl hodaneey
haween taan ka doortaay

hodaneey dhanbaalkiyo
hadiyadaha kalgacalkee
hawada kaaga soo diro
ma u heshaa sidoodii
mise way halaabaan

hablihii gayaankee
halqabsiga xishoodkiyo
quruxdiyo hanaankii
looga dhigay horyaalkow

markaan haybintaadii
u hubqaatay guurkaa
iigu hadal danbaysee

mar horiyo hadeeriyo
hada taan jeclaayeey
adigoon haraad bixin
waadigii hayaamee

Exit mobile version