Heesta Tashigu wuu igu batoo - Lyrics
tashigu wuu igu batoo
waxbay tabaysaa naftani
tashbaa iga haysta meel
taakana way ii jirtaa
tog iyo wabibaa iga xiga
hadana ma talaabi karo
xanuuniyo taws ma qabo
sidii adhi cunay tigaad
hadana waan taahayaa
hadana waan qarinayaa
taaageero hadaanu wadan
hase la is taakulayn
jacayl taagan meel cidla ah
miyyaa loo taag helaa
waxaan tiigsaniyiyo
tusmadaan lahaa yagleel
tabaabushihii aan u galay
bari tog dheer ila xushee
tahabay talo ii jirtaa
hadana ma soo taabi karo
hoheey tim dheer haween
tab iyo xeeshay wateen
miyay tabco ila heleen
taagana waan luudaya